At NorthPoint Health & Wellness Center, waanu kula shaqeyneynaa adiga si aan u sameeyno inuu hagaago caafimaadka waqooyiga Minneapolis.
Adiga iyo familkaaga waad isku haleyn kartaa awoodanada caafimaad iyo shaqooyinka aadanaha taas oo xirfadlayaal ay kugu gargaarayaan si taxadar leh iyo xanaaneyn dhameystiran.
Si sahal loo gaari karo iyo meel la gaari karo.
NorthPoint waxey ku taalaa wadnaha waqooyiga Minneapolis
1313 Penn Ave North Point,
Minneapolis, MN 55411
Qalabkan casriga ah ee curyaamiinta oo la gaari karo iyo meebaabuurta la dhigto, shaqo gaadiid la’ag la’aan ah meelaha dhow ku degan iyo kuwa kale oo ku haboon ee busasku maraan.
Waxaan u bandhignaa saacadaha bukaan socod eegtada dheeri ah si aan ugu shaqeeyno si fiican. Saacadaheen waa
Isniin 8:30 AM - 5:00 PM
Talaado 8:30 AM - 5:00 PM
Arbaco 8:30 AM - 7:00 PM
Khamiis 8:30 AM - 5:00 PM
Jimco 8:30 AM - 5:00 PM
Sabti 8:00 AM - 12:00 PM
Hadii aad qabto wax su’aalo ah fadlan wac:
Akhbaarta guud (612) 302-4600
Balanta daaweynta (612)302-4848
Balanta Ilkaha (612)302-4740
Xanuunada Maskaxda (612) 302-4747
Shaqada aadanaha (612) 348-4783
Hadaadan wax maqlin (612)348-4852
Shaqooyinka Daaweynta
Taba-barida Qoysaska
Daaweynta Gudaha
Qeybta Cudurad Carruurta iyo Daaweyntooda
Qeybta Cudurada Haweenka
Daaweynta Dadka Qaangaarka ah
Shaqooyinka daaweynta waxaad heli kartaa 6 maalmood isbuuc kasta. Taasi waxay suura gelineysaa in aad sameysan karto balanta waqtiyo kala duwan oo ku haboon jadwalkaaga.Waxaa kale oo Xitaa jadwal laguu sameeynayaa isla maalinta aad soo wacdo.Hadii ay jirto baahi lama filaan ah oo soo baxdo,NorthPoint waxay leedahay dakhaatiir la wacan karo 24 saacadood maalintiiba.
Shaqooyinka Caafimaadka Maskaxda
NorthPoint waxay gargaar shaqooyin ah uqabataa bukaan socodka xaga maskaxda sida carruurta, kuwa qaangaarka ah iyo dadka waaweynba. Himilada bukaan socod eegtadeena shatiga uleh iney u gar-gaaraan iyagoo uqabanaya shaqooyin aad u heer sareeysa oo xirfadi kujirto, xushmeyn, fahmid iyo handadaad la’aan, dhaqan ahaana aad jawigeedu loo dareemi karo.
NorthPoint qeybta caafimaadka maskaxda waxey bulshada u soo badigeysaa tacliin la xiriirta nanuunada maskaxda,daaweyntooda iyo meelaha laga helo. Kuwan soo socda oo la xiriira shaqooyinka caafimaadka maskaxda ayaad heli kartaa Isniin ilaa Jimco 8:00 AM-5:00 PM
Qiimeynta iyo Tijaabooyinka
Masaajeynta Khaaska ah
Tijaabada Cilmiga Maskaxda
Masaajeynta Qoyska iyo Kooxda
Maamulka Daaweynta
Shaqooyinka Ilkaha
NorthPoint waa guriga kuwa ugu fiicanrugta Ilkaha ee Gobolka.Wadajir caruurta iyo dadka waaweynba waxey ka helaan raaxo,tayo aad usareeyso xaga qiimaha iyo xanaano Ilkaha.Shaqooyinkeena taxanaha ah waxaa ku jira
Daryeelka Kahortaga
Daryeelka soo Celinta
Daryeelka Deg-Dega ha
Raajo Qaadis
Xaalada qalabka farshaxankeena loo sameeyey inuu u gar-gaaro xitaa bukaanka xaaladiisu dareenkeedu aad u sareeyo si dhameytiran oo xanaano naxariis leh ku jirto jawi ammaan ah iyo badbaado.
Kooxdeena tababrkood aadka u sareeyo xaga Ilkaha xirfadna u leh iney caymis caafimaad siiyaan bukaan kasta oo NorthPoint inuu helo xanaano Ilkaha iyo daweeyntooda.Waxaanu dhegeysaneynaa wixii adigu ku khuseeya waanu kugu gar-gaareynaa daaweynta Ilkaha si degan,ay raaxo ku dheehan ama ku jirto.
Shaqooyinka Dheeriga ah
Waxaa intaasi dheer oo loo soo bandhigayaa daawo, Dhaqtar Ilkaha, xanuunada maskaxda iyo shaqooyinka bulshada,shaqooyinkan soo socda oo la balaariyey ayaad ka heleysaa
Qof udooda arimaha caafimaadka
Sheybaar la xiriira bukaan eegida
Farmashiye rugta lagu gado ama lagu sameeyo daawada
Baarista Indhaha
Gaadiid
Turjumaano
Shaqooyinka Aadanaha
NorthPoint waxey bulshada gaarsiisaa barjaamij kala duwan iyo kuwo bilaabid khaas ah oo ay ka midyihiin.
AAMP: Barnaamijka African American Men taasoo loogu tala galay in sare loogu qaado laguna xoojiyo African American ragooda iyo qoysaskooda.
WIC: Barnaamijka nafaqeynta kaas oo caawiya sidey qoysaska sifiican wax u cuni lahaayeen iyo iney ku joogaan caafimaad.
Healthy Start: Maamulka la xiriira arimaha baraa-rujinta bulshada barida waxyaabaha qatarta ah ee dumarka uurka leh.
Client Advocacy: Meeleynta de-dega ah ee shaqsiyaadka ubaahan in wax lagala qabto dhibaatooyinka udhexeeya iyaga iyo meelaha ay danta ka leeyihiin iyo xaga luuqada loo tarjumo.
CCOE: Barnaamijkan waxaa loogu talo galey in loogu gar-gaaro natiijo xaga caafimaadka dumarka iyo gabdhaha iyadoo kheyr iyo ku dhawaansho dan u ah.
Housing and Rental Assistance: Barnaamijkan wuxuu kaacaawinayaa iney ogaadaan waxa ay a woodi karaan iyo guryo ku filan.
Financial Counseling: Shaqooyinka la talinta macaamiisha kuwaas oo ku soo daaley dhamaan meelaha kale ee kheyraadka.
Food Shelf: Shaqooyinka deg-dega ah ee cunto oo lagu caawiyo si dhaqso ah iyo si waqti dheer ahba intuba.
Oral Health Promotion: Barnaamijkan baraa-rujinta caafimaadka ilkaha iskuulada iyo barnaamijyada ku saleysan bulshada.
SAGE: Baaris Cancer la’ag la’aan ah oo naasaha iyo ilmo galeenka dadka dhaqaalaha soo galo uu yar yahay ,kuwa aan caymis caafimaad heysan iyo dumarka ka sareeya 40 sano
North High Clinic: Guud ahaan xanaanada caafimaadka aas aasiga ah ee ardeyda iyadoo lasocota tacliinta caafimaadka,latalinta,xanuunada maskaxda iyo shaqooyinka taageerida.
Caymiska iyo Qarashka
NorthPoint way ogoshahay ugu badnaan inta badan daaweynta Ilkaha qorsheynta caymiska oo ay ka mid tahay Medica, HealthPartners, BlueCross Blueshield, Preferred One, Ucare, Medicare, State of MN, Delta Dental iyo Metropolitan Health Plan. Waxaan si toos ah ugu direynaa gargaarka caymiskaaga.Fadlan wac (612)302-4800 inaad xaqiijiso qorsheynta caymiskaagu inuu qeyb ka yahay NorthPoint network.
Bukaan socod eegtada aan caymiska heysan lagama jeedsan doono. Hadii aad tahay bukaan waxa soo gala ay yaryihiin waxaad xaq uyeelaneysaa barjaamijyadeena laga yareeyo lacagta
Shaqaalaheena ayaa udiyaar ah iney kaaga jawaabaan su’aalahaaga iyo sidii aad ku heli laheyd qorshe caymis. Hadii aadan xaq u yeelan wax caymis ah, waanu ku farahsanahay inaanu ku caawino si aad jadwal macquul ah ugu yeelan laheyd inaad is kaga bixiso wixii qarashka daawada ah.
Hennepin County kuma midab takooreyso Caqiidadaada midabka, diintaada, da’daada, jinsigaada,wax la xiriira guurkaaga,xubindhiman, ama dhalashadaada halka ay ka soo jeedo.